Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay Labo kalana waxaa soo gaaray dhawac halis ah kaddib toogasho ka dhacday xaafadda Etobicoke ee magaalada Toronto dalka Canada.

Ciidamada Booliiska ayaa xidhay goobta ay toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in labada ruux ee kale ee dhaawacu soo gaadhay oo mid ka mid ah uu Soomaali yahay ay wajahayaan xaalad adag oo caafimaad.

Dhakhaatiirta Toronto ayaa xaqiijiyay in labada Wiil ee Soomaalida ah isla goobta ku dhinteen, halka labada kalana la dhigay goob caafimaad xalaadooduna tahay mid khatar ah. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal sanadihii ugu danbeeyay soo noqnoqday oo ka dhacay dalka Canada kuwaa oo galaaftay nolasha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay