Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay qoorta iskula jiraan xaakimiinta maxkamad kusheegyada Itoobiya iyo kooxda aan sharciga tixgalinin ee TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno xaakimyada maxkamadaha Itoobiya ayaa kacabanaya faragalin wayn oo ay kuhayaan horjoogeyaasha kooxda TPLF, kuwaas oo aan ogolayn in uu shircigu shaqeeyo.

Horjeegeyaasha maxkamadaha gumaysiga ayaa sheegay in ay talaabo kaqaadi la’yihiin kooxda TPLF, kuwaas oo sida ay xaakimiintu sheegeen doonaya in si cad sharciga loobaal maro sharci daradana lahormariyo.

Kooxda TPLF ayaa iyadu doonaysa in ay maxkamaduhu dhamaan dadka lasoo xidh xidho ku xukumaan xukun argagixiso taas oo ay kabiyo diideen qaar kamid ah xaakimyada Itoobiya.

Arintan ayaa keentay in qaar kamid ah xaakimyadii maxkamaduhu ay shaqada iskaga tagaan halka qaar kalana shaqadii laga caydhiyay kadib markay iska horyimaadeen taliska wayaanaha.

Dhawaan yay ahayd markii xukun ay maxkamad kuriday xoghayihii guud ee ururka OFC Bakele Gerba ay kooxda TPLF diiday kaas oo ahaa in xadhiga laga siidaayo, waxaana ilaa iyo hada xukun la’aan kuxidhan Bakele Gerba.

Guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ah wadan aysan maxkamaduhu shaqaynin isla markaana dadka lagu dhaqo xeer hoosaad ay kooxda TPLF soo malmaluuqday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay