Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf cusub oo la sheegayo inuu soo kala dhexgalay madaxtooyada Somalia iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Khilaafkan labada dhinac ayaa cirka isku sii shareeray toddobaadkan, kadib markii madaxweynaha Somalia uu soo saaray amar lagu joojinayo iibinta dhulalka danta guud ee Muqdisho, talaabadaasi oo taageerayaasha gudoomiyaha Gobolka Benaadir gaar ahaan odoyaasha dhaqanku ay u fasirteen in ay tahay mid la doonayo in cadaadis lagu saaro guddoomiyaha sumcadana looga dilo.

Odayaasha dhaqanka ee taageersan gudoomiye Thabit ayaa xalay iyagu war-saaxafadeed kaga hadlay khilaafka taagan, waxayna madaxda qaranka uga digeen faragalinta Gobolka iyo waliba shirwayne Gobolku qabanayo oo ka la qorsheynayo in Muqdisho lagu qabto.

Odayaasha ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay in ay isla oggolaadeen in ay sameyaan guddi ka kooban odayaasha beelaha daga Gobolka Benaadir, kaasoo ka talin doona masiirka iyo mustaqbalka Gobolka.

Dhinaca kale, guddoonka golaha shacabka ayaa go’aan deg-deg ah ka soo saaray xiisadda taagan, waxayna sheegeen in go’aan ka gaadhista maqaamka Gobolka Benaadir ay tahay awood u gaar ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay magaalada waxaa waddooyinka muhiimka ah la dhigay ciidamo ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in halkaasi loo geeyay si ay uga hortagaan dibadbaxyo la sheegay in lagu taageerayo guddoomiye Thabit oo degmooyinku ay soo qaban-qaabiyeen.

Hase yeeshee madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka subixii hore wareegto uu soosaaray xilkii gudoomiye nimo kaga qaaday Thabit, wuxuuna isla wareegtadaas xilka gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ugu magacaabay Maxamed Cumar Cismaan ( Ing. Yariisow ) oo ahaa wasiirka warfaafinta ee dowlada fadaraalka Somalia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay