Wararka naga soo gobolka axmaarada ayaa waxay sheegayaan in shacab isugu soo baxay Xaflad dhaqameed ciid ah oo magaceeda layidhaahdo Dimqat magaalada layidhaahdo Waldia xafladaas oo markii danbe isu badashay mudaaharaad rabshado watan waxayna shacabkii isugu soo baxay ku qalin hayeen erayo ka dhan ah gumaysiga Itoobiya.

Dadkan shacabka ah ee mudaaharaadayay ayaa waxay ku qaylinaayeen “Woyaane Ma rabno” “Maxaabiista hala siidaayo” iyo erayo kale oo lidi ku ah woyaanaha.

Ciidamada Woyaanaha ayaa waxay meeshii xaflada rasaas ku fureen dadkii mudaaharaadka waday waxayna hada  sidaa la xaqiijiyay tirada dhimashada gaadhay 16 qof halka maanta ay meeshii xaflada ku nafbaxeen 4 qof oo shacab ah inta kale ayaa ku dhimatay goobo kale iyo kuwa dhaawac noqday markii hore.

Mudaaharaadada gumaysiga Lagaga soo horjeedo ayaa marba marka kasii danbaysa kasii daraysa.

Hoos ka daawo faah faahinta warkan oo lagusoo qaatay Esat Tv.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay