Ciyaartooygii hore ee kubadda cagta George Weah ayaa shalay loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalka Liberia kadib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas.

George ayaa u soo ciyaaray kooxaha Ac Milan, Chelsea iyo kooxo kale waxa uuna noqday afrikaanka kali ah ee ku guuleystay abaalmarinta Ballon. Waxa uu badalay Ellen Johnson oo ah madaxweynihii ugu horeysay ee dumar ah oo qaaradda Afrika laga soo doorto.

Ciyaaryahanada Afrika ee caanka ku ah kubadda cagta ayaa ka soo qeyb galay xafladda dhaarinta, waxaana ka mid ah Didier Drogba iyo Samuel Eto. Kumanaan Liberiyaan ah ayaa iskugu yimid garoonka ay dhaarintu ka dhacday. Mr Weah caqabada ugu weyn ee hortaagan ayaa ah in uu sare u qaado dhaqaalaha dalkaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay