Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khilaafkii kooxda fashilantay ee TPLF uu noqday habar dhaliwayday alleelo kuwaalatay waxaana lasheegayaa in lagu guulaysan waayay dhamaan isku dayadii ladoonayay in xal lagaga gaadho.

Sida xogta aan kuhelay garabyada kooxdu ay ukala jaban tahay ayaa isla gartay in uu dhex dhexaadiyo wasiirkii hore ee gaashaan dhiga Itoobiya Siye Abaraha oo 6dii sano ee lasoo dhaafay kunoolaa wadanka Maraykanka.

Siye Abraha ayaa ahaa nin xili xiliyada kamid ah awood balaadhan ku dhex lahaa kooxda TPLF, wuxuuna soomaray Wasiirka Gaashaan Dhiga Itoobiya iyo waliba taliyaha ciidamada ee ururkusheega TPLF.

Hase yeeshee Siye Abraha ayaa laxidhay kadib markay isqabteen qaar kamid ah hogaamiye yaasha kooxda wuxuuna maxkamad la’aan xidhnaa mudo 5 sano ah, waxaana lagu sameeyay bahdil aad ubadan.

Siye Abraha ayaa mudooyinkii udambeeyay kunoolaa wadanka Maraykanka waxaana lasheegayaa in ay kooxdu ufidisay casuumad iyagoo kacodsaday in uu dhex dhaxaadiyo, waxaana lasheegay in uu hada kusugan yahay magaalada Addis Ababa.

Siye Abraha wasiirkii hore ee gaashaan dhiga Itoobiya ayaa kulamo layeeshay kooxaha kala duwan ee iskhilaafsan sida Ciidamada, Saraakiisha Ciidamada, Hogaamiye Yaasha Kooxda TPLF iyo ururada bulshada, waxaana lagusoo waramayaa in uu uruurinayo xogaha kala duwan ee kooxda.

Hase yeeshee dadka arimaha Itoobiya udhuun duleela ayaa sheegaya in uusan Sargaalkan wax xal ah kagaadhi karin arimaha kooxda, waxaana lasheegayaa in ay jiraan qaar kamid ah kooxda oo wali ay isaga colaad kala dhaxayso.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay