Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Jabhada Dhaqdhaqaaqa xoraynta shacabka Axmaarada ayaa siwayn loogu cambaareeyay falkii foosha xumaa ee ciidanka wayaanuhu ay kagaysteen magaalada Waldiya.

Sida aan horaan idiinla socodsiinayba ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa xasuuq ba’an kagaystay magaalada Waldiya oo dhacda xuduuda Gobolada Axmaarada iyo Tigreega, halkaas oo ciidanka wayaanuhu ay rasaas kufureen dad shacab ah oo mudaharaadayay.

21 qof ayaa dhimatay inta lahubo dad kale oo badana waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan waxaana sida lasheegayo dhamaan dadkaas haleeshay rasaas ay ciidanka wayaanuhu kurideen.

Jabhada Dhaqdhaqaaqa dadka Axmaarada ayaa bayaan keeda kusheegtay in loo aar gudi doono dadkii shacabka ahaa ee micno la’aanta loogu laayay magaalada Waldiya ee woqooyiga Gobolka Axmaarada.

Sidoo kale jabhada ayaa sheegtay in goor ay noqotaba lala xisaabtami doono saraakiishii bixisay amarkaas iyo kuwii amarka khaldan qaatayba, waxayna Jabhadu sheegtay in ay udiiwaan gashan yihiin dadka xasuuqa gaystay iyo kuwii loogaystayba.

Ugu dambayn Jabhada ayaa bayaankeeda kusheegtay in dadka Axmaarada ah looga baahan yahay midnimo iyo adkaysi waxayna Jabhadu sheegtay in lagaadhay xiligii gumaysiga laga takhalusi lahaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay