Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee Woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya xiisad aad usaraysa oo udhaxaysa shacabka Axmaarada iyo waliba ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku caan baxay gumaadka dadka shacabka ah ee aan isdifaaci karin.

Sida xogta aan kuhelayno Kacdoon wadayaal cadhaysan oo lawareegay dhamaan magaalada Hara ee Gobolka Axmaarada, waxaana lasheegayaa in ay kacdoon wadayaashu hada gacanta kuhayaan guud ahaan magaalada iyagoo ciidamadii wayaanaha ee halkaas kusugnaa kaga saaray faasas iyo waliba qalab kale oo dhagaxu uu ugu horeeyo.

Goob jooge kusugan magaalada Hara ayaa sheegaya in dhamaan xarumaha dowlada ay gacanta kuhayaan dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah, kuwaas oo sida uu goob jooguhu sheegay diyaar u ah in ay difaacaan magaalada hadii lasoo weeraro.

Dadwaynaha magaalada weeraray ayaa siwayn uga cadhooday xasuuqii magaalada Waldiya oo daris la ah magaalada Hara, halkaas oo ay kudhinteen in kabadan 20 qof oo shacab ah kuwaas o dhintay kadib markii laga hor istaagay in ay muujiyaan rabitaan kooda.

Lama oga jawaabta ay kabixin doonaan ciidamada wayaanuhu, waxaase lasheegayaa in ay ciidamo aad ubadan oo gurmad ah kusii jeedaan magaalada ay shacabku haystaan ee Hara.

Kacdoonada gumaysiga wayaanaha lagaga soo horjeedo ee guud ahaan wadanka kasocda ayaa lasheegayaa in ay baryihii lasoo dhaafay sii karaar qaateen iyagoo waji kale yeeshay, waxaana baryihii lasoo dhaafay shacabka iyo ciidamada wayaanaha dhex marayay gacan kahadal ay dad kudhinteen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay