Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska daalan ee wayaanuhu uu eedayn iyo dhaliil isugu daray madaxa warbaahinta Itoobiya iyo shaqaalihiisa.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa aad u canaantay aadna udhaliilay agaasimaha warbaahinta afka xukuumada ku hadasha ee EPC, taas oo sida uu talisku sheegay kagaabisay dhamaan howlihii loo igmaday.

Taliska wayaanaha oo garwaaqsaday sida loogaga hormaray dhinaca warbaahinta ayaa sheegay in agaasimuhu uu mas’uul kayahay hagaaska iyo dibdhaca kuyimid warbaahinta afka xukuumada wayaanaha kuhadasha ee EPC.

Xukuumada wayaanaha ayaa qiratay in mucaaradku ay gabi ahaanba xukuumada kaga horeeyaan dhinaca warbaahinta, waxayna xukuumadu sheegtay in borobagaandada mucaaradku ay dowlada duminayso.

Dhinaca kale xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa bilowday qorshe ay doonayaan in ay ku hormariyaan warbaahinta afkooda kuhadasha oo noqotay meel laga guuray, waxaana lasheegayaa in ay qoreen 5000 oo dhalin yaro ah oo lootababaray in ay dowlada dhinaca baraha bulshada kataageeraan.

In kasta oo taliska wayaanuhu uu dhaqaale aad ubadan kubixiyay dhinaca dacaayadaha isaga wax tarka u leh iyo kahortaga dhaliilihiisa, hadana waxaa markasta oo usii dhacaya tayada warbaahineed ee taliska wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay