Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in uu maalin nimadii shalay magaalada kafurmay shirkii Goloha dhexe ee ururka Gobolka Axmaarada maamula ee ANDM.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ee talada wadanka ku amar kutaaglaysa ayaa dabada kariixaysa qabsoomida shirka ururka ANDM oo bahwadaag la ah kooxda fashilantay ee EPRDF.

Kooxda TPLF ayaa doonaysa in ay meesha kasaarto xubno amarkooda fulin waayay oo kamid ah hogaaminta ururka Axmaarada ah ee ANDM, kuwaas oo sida lasheegayo ka gows qabsaday gumaadka shacabka kacdoon wadayaasha ah ee Axmaarada.

Garabka ANDM ee taageersan fikirka TPLF ama fulinaya amaawiirta saraakiisha Tigreega ayaa sheegaya in shirkan lagu qiimayn doono mas’uuliyiinta ururka isla markaana la isla xisaabtami doono taas oo micnaheedu uu yahay in xilalkooda ay waayi doonaan qaar kamid ah madaxda ANDM.

Garabka ay is hayaan kooxda TPLF ee doonaya in shacabka laga daayo gumaadka ayaa kudoodaya in shirkan lagaga hadli doono masiirka shacabka Axmaarada iyo sidii loogu sinaan lahaa awoodaha ururka EPRDF oo hada ay caynaanka u hayaan saraakiisha Tigreegu.

Shirka kooxda ANDM ee dabaqoodhiga ah ayaa kusoo beegmay xili ciidamada wayaanuhu ay xasuuq ba’an kagaysteen meelo kamid ah Gobolka Axmaarada, oo ay ugu dambaysay madaalada Waldia oo dad shacab ah oo 20 kor udhaafaya lagu xasuuqay.

Lama oga waxa kasoo bixi doona shirkan aan qodobadiisa la ogayn hase yeeshee waxaa lasaadaalinayaa in sidii caadada ahayd la isku fara taagtaagi doono.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay