Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Qobo oo Gobolka Gonder ee dhulka Axmaarada katirsan ayaa sheegaya in dadka deegaanku ay weerar kuqaadeen fadhiisimaha ciidanka wayaanaha ee magaalada Qobo.

Sida xogta aan kuhelayno dadka shacabka ah ee magaalada Qobo kusugan oo aad u cadhaysnaa ayay usuuragashay in ay gabi ahaanba lawareegaan gacan kuhaynta magaalada Qobo oo dhaxda xuduuda uu Gobolka Axmaaradu laleeyaya wadamada Sudan iyo Eritrea.

Goob jooge kusugan magaalada Qobo oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay kacdoon wadayaashu siidaayeen dhamaan maxaabiistii magaalada Qobo iyagoo sidoo kalana gubay qaar kamid ah xurumaha ay ciidanka wayaanuhu kulahaayeen magaalada.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaa lasheegayaa in ay dab qabadsiiyeen gurigii duqa magaalada Qobo iyo waliba guryo kale oo ay lahaayeen saraakiishii magaalada maamulaysay.

Dhinaca kale ciidamad wayaanaha ee magaalada Gonder kusugan oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga ukaca ayaa lasheegayaa in ay gurmar u aadeen deegaanka ay shacabku qabsadeen, waxaana lafilayaa in ay ciidanka wayaanuhu duqayn u adeegsan doonaan diyaarada ay wataan.

Maqaalada Qobo ayaa 50km ujirta magaaladii uu xasuuqu Sabtidii ina dhaaftay kadhacay ee Waldia, waxaana lafilayaa in ay shacabku u aar gudayeen dadkii lagu xasuuqay magaalada Waldia.

Maalin nimadii daraato ayay ahayd markii dad shacab ah oo cadhaysan ay qabsadeen magaalada Hara ee dhulka Axmaarada, halkaas oo mudo ay shacabku ka ariminayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay