Qarax culus ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu aasay guri u dhow wadada dhinaceeda, iyadoo lala beegsaday ciidamo saarnaa gaadhi yar oo wadada marayay. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu hal qof ku dhaawacmay, balse burbur uu soo gaadhay guri wadada dhinaceeda ku yaala.

Ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Hodan ayaa gaadhay goobta ay waxkadhaceen, waxaana ay ka sameeyeen baadhitaano. Maalin ka hor Qarax duleedka Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay