Wararka naga soo gaadhaya magaalada Tama ee woqooyiga Gobolka Gonder ayaa sheegaya xiisad xoogan oo kataagan magaalada kadib markii saraakiil wayaane ah lagu waxyeeleeyay.

Sida xogta aan kuhelayno qarax bamka gacanta laga tuuro loo adeegsaday oo lagu weeraray Hotelka Adizeban ee magaalada Tama ayaa lagu laayay askar badan oo kuwa wayaanaha ah, halka saraakiil kalana ladhaawacay.

Warka ayaa intaas kudaraya in qaraxan ay kudhaawacmeen 3 sargaal oo uu kujiro taliyihii ciidamada wayaanaha ee aagaas, waxaana lasheegayaa in uu dhaawacoodu yahay mid aad uliita oo xaaladooda laga dayrinayo.

Sidoo kale sargaal sare oo kamid ah ciidamada gumaysiga ayaa lawaayay raq iyo ruuxtoona waxaana lafilayaa in uu qaraxa kudhintay ama uu gacanta ugalay dablaydii Hotelka Adizeban soo weerartay.

Labo habeem kahor ayay ahayd markii saraakiil katirsan ciidamada wayaanaha lagu weeraray magaalada Dese, halkaas oo ay kudhinteen qaar kamid ah saraakiishii laweeraray iyo ciidan badan oo kale.

Dadka shacabka ah ee Axmaarada ayaa kordhiyay weerarada iyo kacdoonada ay kuhayaan ciidamada wayaanaha waxaana lasheegayaa in ay shacabku aad uga cadhoodeen xasuuqii loogaystay dadka shacabka ah ee magaalada Waldia, halkaas oo lagu dilay in kabadan 20 qof oo shacab ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay