Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika (Somali Association of South Africa – SASA), ayaa manta baaq ku wajahan ganacsatadda soomaalida ah ee dalka koonfur afrika ka soo saartay xafiiskeeda magaaladda Johannesburg.

SASA waxey wax lagu xumaado ku tilmaamtay dhaca iyo boobka soo laab labanaya ee loo geysanayo ganacsatadda Somaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika.

SASA waxey farta ku fiiqday boobkii u danbeeyay ee ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay magaaladda Restanburg ee gobolka North West.

Dadkii boobka geystay ayaa ahaa shaqaalaha qoda macdanta oo ka cabanayay dhanka mushaarooyinka oo mudaaharaad ey wadeen markuu soo dhamaaday cagta mariyey in ka bada 20 dukaan oo Soomaali leedahay oo ku yaalada duleedka magaaladda Restanburg.

Baaqan manta ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha SASA mudane C/Raxmaan Raabi ayaa waxaa lagaga codsaday ganacsatadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iney garab istaagaan ganacsatadda lagu boobay magaaladda Restanburg lana gaaraan gurmad iyo samafal deg deg ah.

Baaqan ayaa si gaar ah looga codsaday maamulka jaaliyadda Soomaalida ee gobolka North West iyo gudiga culumada ee gobolkaas iney u istaagaan samatabixinta barakacayaasha ku sugan magaaladda Restanburg.

Arintaas oo ah waajib diini ah oo saran ruux kasta oo Soomaali ah inuu wax ka qabto musiibada haleeshay walaalaha la boobay.

U gar gaarida dhibanayaasha waxeey xoojineysaa walaaltinimadda diinta islaamka ah iyo soomaalinimadda dhexdiina ah.

omar/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay