Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 26/1/18 waxaa magaalada Riyaad ee caasimada wadanka Sucuudiga ku qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee magaalada Riyad iyo deegaanada kuxeeran.

Ugu horaynba shirka ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana soo jeediyay Sheekh Cidood oo kamid ah culimada Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Sucuudiga.

Intaas kadib waxaa kulanka khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay kasoo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Riyaad Halgame Qorane Maxamed Tarabi, wuxuuna gudoomiyuhu xubnaha siiyay warbixin qiimo badan.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay xidhiidhiyaha Jaaliyada Sucuudiga Mudane Gaaxnuug, wuxuuna halgame Gaaxnuug xubnaha siiyay xogo muhiim ah oo kusaabsan isbadalada geeska Africa, iyo waliba marxalada uu halganku marayo.

Sidoo kale waxaa kulanka kahadlay xubno badan oo kaadir ah waxayna dhamaantood hoosta kaxariiqeen in uu halganka Ogadenia lagu xoraynayo gaadhay guulo waawayn isla markaana loobaahan yahay in lasii dardar galiyo.

Gabagabadii kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan waxaana lagu balamay in lasii hormariyo howlaha halganka ee wadankan kajira.

ONA Riyaad.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay