Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qobo ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ciidamada wayaanuhu isku laayeen shalay oo Jumce ahayd iyagoo sida lasheegayo ukala baxay qabiil qabiil.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamo aad ubadan oo taliska wayaanuhu uu isugu geeyay magaalada Qobo ee dhacda xuduuda wadamada Sudan, Eritrea iyo Itoobiya, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay kajirtay xiisad xoog badan.

Ciidamada wayaanaha ayaa halkaas lagu uruuriyay kadib markay dadka deegaanku qabsadeen gabi ahaanba xarumaha wayaanaha ee magaalada Qobo, isla markaana ay kasiidaayeen maxaabiis aad ubadan oo kujirtay jeelasha magaalada.

Taliska wayaanaha oo arintaas kajawaab celinayay ayaa ciidamo aad ubadan geeyay deegaanka waxayna ciidamadu sameeyeen tacadiyo aad ubadan oo dil, dhac, xidhay iyo kufsi isugu jira, waxaana ugu dambaystii lasoo tabinayaa in ay ciidamadii wayaanaha ee meesha lageeyay islaayeen isla markaana ukala jabeen qabiil qabiil.

Goob jooge kusugan magaalada Qobo ayaa sheegay in ay ciidamadu isku maandhaafeen dadka aan xasuuqno iyo xasuuqi mayno, waxaana amar diido iyo isbarbaryaac kadib islaayay ciidankii gumaysiga kuwaas oo sida uu goob jooguhu sheegay ukala fadhiya hada Axmaaro, Oromo iyo Tigree.

Khasaaraha dhabta ah ee sookala gaadhay ciidamada wayaanaha iyo guud ahaan xiisada deegaanka Qobo kala soco ONA hadii Alle idmo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay