Ugu yaraan 30 muhaajiriin (Tahriibayaal) ah ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Yaman todobaadkan. Doontani ayaa la sheegay in ay buux dhaaftay islamarkaana ay wadeen kuwa wax tahriibiya .

Qaramada Midoobay (QM) ayaa sheegtay in dadkii ka badbaaday doonta ay u sheegeen in mukhalasiinta ay rasaas ku fureen rakaabka markii ay doontu dagaysay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tira ka badan 150 isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay doonta saarnaayeen.

Doonta ayaa la sheegay in ay ka soo safraysay dalka Yaman ayna ku sii jeeda Jabuuti. Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 90,000 oo qoxooti ah ay galaan safarkan ay uga soo talaabayaan geeska afrika iyaga oo ku sii jeeda Yaman.

Iyada oo dalka Yaman ay xilligan dagaalo ka jiraan ayaa hadana muhaajiriinta waxa ay qabaan rajo ah in ay shaqooyin ka helaan dalalka gacanka khaliijka Carabta ee jaarka la’ah Yemen sida Sacuudiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay