Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin ajnabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNICEF lagu dilay xarun ay hay’addu ku leedahay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, maalin nimadii shalay.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay’adda UNICEF.

Ilaa hada lama oga sababta dilka ka danbaysa iyo waliba wadanka uu ninkaasi ka soo jeedo. Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi gaadheen, isla markaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay