Wararka naga soo gaadhaya magaalada Marsa ee Gobolka Wallo ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya in ay wali socdaan abshadihii bilowday subixii hore ee maalin nimadii shalay oo Sabti ahayd.

Sida xogta aan kuhelayno rabshadahan oo dad badani ay kudhinteen ayaa udhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada wayaanaha, waxayna rabshaduhu bilowdeen kadib markii gudaha magaalada Marsa ay isugu soobaxeen dad shacab ah oo kasoo horjeeda xasuuqii magaalada Waldia kadhacay horaantii todobaadkan, kaas oo ay kudhinteen dad badan oo shacab ah.

Dibad baxayaasha oo aad ucadhaysnaa ayaa lasheegayaa in ay weerareen guriga duqa magaalada Marsa waxaana lasheegayaa in ay dileen duqii magaalada iyo waliba qaar ilaaladiisa kamid ah.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaa lasheegayaa in ay gubeen laba saldhig oo kuwa Booliiska ah halkaas oo sida lasheegayo ay dad badan oo maxaabiis ah kabaxsadeen, dinaca kale mudaharaada yaasha ayaa gubay qaar kamid ah guryaha maamulka magaalada Marsa.

Sidoo kale ciidamada wayaanaha ee halkaas kahowl gala ayaa lasheegayaa in ay dileen ugu yaraan 10 qof oo shacab ah, halka dhaawucuna uu tiro beelay, waxaana lasheegayaa in ay xoog kumuquuninayaan dadka kacdoon wadayaasha ah.

Taliska wayaanaha ayaa lasheegayaa in uu ciidamo dheeraad ah udiray deegaankaas si ay dadka shacabka ah ulaayaan waxaana lasheegayaa in ay maalintii labaad rabshaduhu kasii socdaan deegaano hor leh oo kuyaala duleedka Dagmada Marsa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay