Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu jari doono dhaqaalaha Mareykanku uu siiyo Falastiniyiinta, haddii ay ka qeyb gali waayaan wadahadalada nabadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ka hadashay hadalka ka soo yeedhay madaxweyne Trump ayaa sheegtay in madaxweynuhu uusan ula jeedin in uu jarayo dhaqaalaha Mareykanku uu siiyo Falastiiniyiinta , balse ay aheyd maalgalinta iyo tababarka ciidamada ee Mareykanka uu siiyo Falastiiniyiinta.

Trump ayaa Falastiiniyiinta ku eedeeyay in aysan wax xurmo ah u heynin Mareykanka, waxana uu intaa ku daray in aysan jirin sabab ay dhaqaalo u siiyaan Falastiniyiinta mar haddii aysan ixtiraameynin Mareykanka. Falastiin ayaa horay u sheegtay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon Karin wadahadalada nabadda ee kala dhaxeeya Israiil, kadib markii Mareykanku uu magaalada Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israiil.

Trump ayaa shirka dhaqaaalaha adduunka ee ka dhacay magaalada davos ka sheegay in Mareykanka uu gargaar ahaan u siiyo Falastiiniyiinta malaayiin doolar sanad walba, balse aysan wax ixtiraam ah u muujinin buu yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Hogaamiye yaasha Falastiiniyiinta ayaa diiday in ay la kulmaan madxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence oo booqasho ku tagay dalka Israiil. Dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Falastiniyiinta ayaa sannadkii 2016-ka lagu sheegay in ay gaadhayo 260 milyan oo doolar, halka Israiil na uu gargaar milateriga ahaan u siiyo saddex bilyan oo doolar.

Safiirka Falastiin ee Mareykanka oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray Trump ayaa sheegay in wax xurmo darri ah aysan u muujinin Mareykanka, balse ay ixtiraamayaan xuquuqdooda. Dr Husam Zomlot ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu meesha ka baxdo dhaqaalaha Mareykanka ay si toos ah u saameyn doonto malaayiin qof oo ku nool gobolka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay