Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay uu khilaaf xoogan dhex maray koox daba qoodhi ah oo sheegtay in ay matalayaan Gobolka Axmaarada iyo ciidanka Agaziga.

Xubnahan kasocday Gobolka Axmaarada ayaa sheegay in ay deegaanada ay kacdoonad kajiraan utageen sidii ay u dhex dhaxaadin lahaayeen ciidanka wayaanaha iyo dadka deegaanka oo baryihii lasoo dhaafay ay dhex marayeen dagaalo gacan kahadal ah ayna kunaf waayeen dad badan oo shacab ah.

Saraakiisha ciidanka wayaanaha ee deegaanadaas kusugan ayaa lasheegayaa in ay hanjabaad iyo handadaad isugu dareen wafti kusheegii kasocotay Gobolka Axmaarada kuwaas oo loosheegay in wixii ay iyagu khaldeen lasaxayo isla markaana aan loobaahnayn in ay arimahan soofara gashadaan.

Waftigii Axmaarada oo waji gabax badan lasoo kulmay ayaa lasheegayaa in ay kusoo laabteen goobihii ay katageen, halka ciidankii Agazigu ay kusugan yihiin goobihii uu wax kadhacay.

Gobolka Axmaarada ayay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen rabshado ay dad kudhinteen, waxayna dadka shacabka ah qabsadeen dhowr dagmo oo ay kamid yihiin Hara, Qobo, Mersa iyo waldia oo uu dhiig badani ku daatay.

Isku soo wada duub oo xaasado loomaaro la’yahay ayaa kataagan kuud ahaan wadanka Itoobiya, gaar ahaan dhulka Axmaarada oo ay kacdoonadii yeesheen waji kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay