Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 28/1/18 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi kafurmay shirwaynihii faraca Iftin ee jaaliyada JABSO.

Shirkan oo ahaa shirwaynihii faraca oo sanadkiiba mar qabsooma ayaa lagu doortaa gudi cusub oo badasha gudigii sanadkii hore howsha siiwaday, waxaana lagu dajiyaa howl shaqeed cusub oo sanadkaas lajaanqaada.

Warbixino dhaadheer oo dhinacyo badan ah kadib waxaa laguda galay doorashadii gudiga, waxaana lasoo sharaxay xubno firfircoon kuwaas oo gudigii farsamadu ay u arkeen in ay yihiin kuwii kuhaboonaa.

Dadwaynihii kulanka kasoo qayb galay ayaa cod aqlabiyad ah gudoomiye ugu doortay Cabdicasiis Nuur Zakariye oo kamid ah kaadirka faraca Iftin, waxaana sidoo kale goobta lagu doortay 7 xubnood oo gudoomiyaha lashaqayn doonta hadii Alle idmo.

Intaas kadib waxaa khudbad dheer oo dardaaran ah goobta kajeediyay Halgame Maxamuud Sooc oo kamid ah mas’uuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Gabagabadii kulankii maanta oo furmay abaare 9:00 subaxnimo ayaa si nabad ah usoo gabagaboobay 12:40 xiliga Faafi.

Abdirahman Baclay
ONA Xagardheere.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay