Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan Gobolka Doollo Dagmada Danood ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Woyaanaha ee nacabka ah ay hooyo 70 jir ah kala baxeen gurigeeda ayagoo u taaxaabay xabsi Ciidanka Woyaanuhu uu ku lee hahay Dagmada Danood.

Hooyadan 70 jirka ah ayaa waxaa magaceeda naloogu sheegay Hooyo Koos Cabdule Siyaad waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in ciidanka Woyaanuhu ay hooyadan jidh-dil ugu gaysteen xabsiga dhex diisa ayagoo ka dhex jiitay gurigeeda.

Maahan markii koobaad ee ciidanka Woyaanuhu ay dhibaato dil, dhac, xidhay iyo kufsi u gaysteen hooyo noocan oo kale ah balse waa mid kamida nolol maal meed ka shacabka Ogaadeniya ay sida maalin laha ula kulmaan.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu hooyo Koos Cabdule uu gacanta cadawga kasoo daayo waxaana idiin kasoo gudbin doonaa dib wixii kasoo kordha kala soco ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay