Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kacdoon wadayaasha diidan maamulka cadaalad darada ah ee Itoobiya kajira ay ku baaqeen arin wal wal aad ubadan kureebtay kooxda fashilantay ee TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno hogaamiye yaasha kacdoonada kajira qaybo badan oo wadanka ah ayaa kudhawaaqay in guud ahaan wadanka laga hir galiyo kacdoon shacab oo mar qudh ah kabilowda Gobolada, Dagmooyinka iyo Tuulooyinka.

Hogaamiye yaasha ayaa sheegay in la bilaabo kacdoono dhowr waji leh oo isugu jira mudaharaad dibada loosoo baxayo, mudaharaad guryaha la isku xidhayo iyo shaqo joojin guud oo wadanka kabilaabata mar qudh ah.

Arintan ayay hogaamiye yaashu uga gol leeyihiin in talisku uu wareero isla markaana uu awoodi waayo xakamaynta kacdoonka, waxayna hogaamiye yaashu sheegeen in ciidamada isu gurmanaya ay tahay waxa sababay cimri dheerarka taliska.

Amarkan kasoo baxay hogaanka kacdoon wadayaasha ayaa lafilayaa in uu dhakhso uga hirgali doono meelo badan oo wadanka ah gaar ahaan Gobolada Axmaarada, Oromada, Shucuubta Koonfureed iyo meelo kale.

Waxaa maalinba maalinta kadambaysa sii diciifaysa rajadii xukuumada wayaanaha ee ahayd in ay kacdoonadu yaraan doonaan, waxaana la arkayaa kacdoonada oo si hor leh u karaar qaadanaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay