Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ururada bulshada ee dadyowga lagumaysto ay baaq mug iyo miisaan leh u direen qaar kamid ah ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Qaar kamid ah ururada bulshada ee qoomiyadaha lagumaysto ee Itoobiya ayaa soosaaray baaq kuwajahan ciidamada wayaanaha ee aan udhalanin qoomiyada Tigreega, kuwaas oo kushaqeeya amarka saraakiisha Tigreega ee ciidamada hogaamiya.

Ururrada bulshada ayaa ciidamada kasoo jeeda qoomiyadaha lagumaysto usheegay in ay kawaan toobaan gumaadka shacabkooda isla markaana ay kahortagaan xasuuqa isir sifaynta ah ee lagu hayo qoomiyadaha lagumaysto.

Baaqa kasoo baxay ururada bulshada ayaa ciidamada aan udhalin qoomiyada Tigreega kuwaaniyay in ay taageero hiil iyo hoo ah lagarab istaagaan shucuubta dulman iyo xaq doonayaasha kacdoonka kawada qaybo kamid ah wadanka.

Ururada bulshada ayaa dhinaca kale ciidamadii todobaadkan diiday in shacabka Axmaarada lalaayo ee gadooday ku amaanay sida ay u difaaceen sharaftooda iyo karaamadooda, waxayna ururadu sheegeen in sidaas oo kale looga baahan yahay dhamaan kuwa aan wali wax fahmin.

Ugu dambayntii ururada bulshada ayaa ciidamada kasoo jeeda qoomiyadaha lagumaysto ugu baaqay in ay ladagaalamaan ciidanka gaarka ah ee gumaadka shacabka lootababaray ee Agaziga, kuwaas oo kasoo jeeda qoomiyada tirada yar ee Tigreega.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay