Wararka naga soo gaadhaga wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu sicirka ashcaartu gaadhay meeshii abid ugu saraysay, isla markaana ay shacabku la’yihiin qaab ay wax u gataan iyo meel ay wax kagataan toona.

Sida xogta aan kuhelayno shacabka kudhaqan wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa waayay gabi ahaan quutul-daruurigii sida sonkortii saliidii iyo waliba waxyaabo kale oo shacabka muhiim u ah sida shidaalka oo kamid ah waxyaabaha loogu baahi badan yahay.

Dadwaynaha kudhaqan magaalada Addis Ababa ayaa la arkayaa iyaga oo subax kasta fiilo dheer ugu jira si ay u iibsadaan kiilooyin sonkor ah, waxaana sidoo kale la arkaa dadkii subixii galay fiilada oo galabtii dareera iyagoon wax sonkor ah wadanin.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in ay qayskasta u qoondaysay in laga gado 5 kiilo oo sonkor ah bishiiba, hase yeeshee dadwaynaha ayaa sheegay in ay helaan 1 kiilo ama ay waayaanba.

Ashcaarta ayaa guud ahaan wadanka sare u kacday kadib markii lawaayay lacagihii adkaa ee ganacsatadu ay dibada wax kaga soo dajin jiree, taas oo keentay in gabi ahaanba wadanka ayna soo galin wax cuna ah.

Sidoo kale dhaqaale burburka wadanka ayaa yimid kadib markii waxyaabihii wadanku uu dhoofin jiray ay meesha kabaxeen kadib markii beeralaydii bunka iyo qaadku ay bilaabeen mudaharaad isla markaana lawaayay wax beeraha kashaqeeya.

Dhinaca kale wadanka ayaa saboolay kadib markii saraakiisha wayaanuhu ay lacagihii adkaa ee wadanka jeebka dambe kushubteen isla markaana ay ganacsatadii lacagihii bangiyada uyaalay kaqaateen is aaminaad la’aan darteed.

Isku soo wada duub oo cunada qaaliyowday ee Itoobiya ayaa kaliftay macaluul daran, waxaana wax gadan kara oo kaliya dadkii dadka hantidooda dhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay