Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan Dagmada Dhagax madaw ee gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Woyaanaha ay dad shacab ah ku xidh xidheen magaalada dhagax madaw.

Ciidanka Woyaanaha ayaa la sheegay in xalay habeenimo kala baxeen guryahoodii dad shacabka ah waxaana helay qaar kamida dad kan shacabka ah magac yadooda waxaana kamid ah Caasha Quule Ahmed & Saynab Xassan Siyaad.

Ciidanka woyaanaha ayaa waxay caadaysteen xasuuqa shacabka soomaalida Ogaadeniya ee isdifaaci karin Dhaca kufsiga iyo barakicinta dadka rayadka ah.

Waxaa maalmahan sare u kacay xidh xidhka lagula kacayo dadka shacabka waxaana ilaahay uga rajaynaynaa inuu shacabka Ka dulqaado gumaysiga iyo dhibaatada haysata.

ONA/Dh.Madaw.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay