Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya xaaladeeda lagu dejin karo ay tahay hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika. Uhuru Kenyatta ayaa arrintan u sheegay Xogahayah Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka qaybgalay shirkii Midowga Afrika ee ka furmey magaalada Addis Ababa.

Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga soo horjeeda in AMISOM laga saaro sanadkan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee SNA aysan wali diyaar u ahayn in ay la wareegaan amniga dalkooda. Qaramada Midoobey ayaa horay u go’aamisey wakhtiga AMISOM Soomaaliya ka baxayso in uu noqdo dabayaaqada sanadkan 2018.

Dalka Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun oo ciidan ah kuwaas oo badankood ay ku sugan yihiin Jubbada Hoose iyo Gedo, waxay gudaha Soomaaliya soo galeen iyaga oo aan haysan mandate Qaramada Midoobey ah, kadib muddo yar waxay kamid noqdeen hawlgalka AMISOM. Dagaalo gaadmo ah ayaa al-Shabaab ku dileen boqolaal askeri oo u dhashey dalka Kenya, labadii sano ee la soo dhaafey.

Dhaqaale aad u badan ayaa Caalamka uga baxa hawlgalka AMISOM taas oo sanadihii ugu danbeeyey aan sameyn wax horumar ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay