Dalka Mareykanka, waxaa marka laga hadlayo taariikhdiisa soo jireen ka ah ama la sheegaa inuu yahay dal dadkiisa ay kala duwanyhiin isir ahaan, ayna qaarkood halkan u soo haajireen awoowayaashooda.

Balse wakhtiga la joogo oo dunida ay wajaheyso caqabad weyn ee dhinaca dagaalka ka dhanka ah argagixisada, muslim naceybka iyo soo galootiga sii kordhayo, ayaa waxaa bulshooyinka looga tirada badan yahay dalka Mareykanka, oo ay Soomaalidu ka mid yihiin la kulmaan fursad yari iyo in ay dareeman in aysan ula sineyn fursadaha ay helaan dhalinyarada kale ee la da’da ah.

Waxayse xaaladu sii murugtay kadib markii uu talada dalka Maraykanka qabtay Donald Trump oo wacad ku maray in ajaanibta gaar ahaan kuwooda kasoo jeeda dunida Islaamka uu wadanka ka mamnuuci doono taas oo saamayn wayn ku yeelatay qoysas aad u badan oo kala xayirmay. Soomaalida kusugan Maraykanka ayuu saameeyay xayiraadii uu Trump kusoo rogay Muslimiinta guud ahaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay