Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya kulan muhiim ah uu oo maalin nimadii shalay kusoo gabagaboobay gudaha wadanka Ogadenia.

Kulankan oo ay martigalisay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa qabsoomay fadhiisinka xarunta waxaana kasoo qayb galay taliye yaasha qaybaha Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia CWXO iyo qaar kamid ah wax garadka Soomaalida Ogadenia.

Kulankan oo furmay 27dii bishan ayaa socday mudo 3 bari ah, waxaana lagaga hadlay arimo dhowr ah oo taabanayay masiirka umada dulman ee Soomaalida Ogadenia iyo baadi goobka loogu jiro helida wadan xor ah oo kuyaalada badhtamaha geeska Africa, kaas oo ay shacabka Ogadenia aayahooda kaga tashadaan.

Kulanka ayaa lagusoo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa halganka hubaysan ee shacabku uu kujiro iy sidii shacabku ay uga foojignaan lahaayeen tabaha cadawga ee hadba dhinac ka imaanaya.

Gudoomiyaha xarunta dhexe ayaa taliye yaasha qaybaha iyo waxgaradka Ogadenia ee kulanka fadhiyay kula dardaarmay sidii loosii xoojin lahaa iskaashiga ciidanka JWXO iyo shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Guntii iyo gunaanadkii kulankan oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa 29kii bishan January kusoo dhamaaday siguul ah waxaana lagu balamay adkaysi iyo digtoonaan looyeesho tabaha cusub ee cadawga.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay