Waxaa isasoo taraya siyaasiyiinta iyo dadka magaca kudhex leh kooxda TPLF ee qiraya in uu dhamaaday wakhtigii TPLF, islamarkaan ay kufashilmeen hogaankii wadanka ee mudada dheer ay lasoo daalaa dhacayeen.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ahna mid kamid ah aas’aasayaashii ururka TPLF Seyoum Mesfin ayaa sheegay in ay gabi ahaanba u dhamaatay ururka TPLF, isagoo sheegay in uu sanadihii lasoo dhaafay hoos u dhac kuyimid howlihii ay wadanka ka hayeen iyo guud ahaan hogaankii wadanka oo uu kusheegay mid aad udiciifay.

Seyoum Mesfin oo kahadlay shirwaynihii ururka TPLF ee magaalada Maqale ayaa sheegay in loobaahan yahay halgan dheer oo qoomiyada Tigreegu ay ugasho hogaanka wadanka iyo sidii ay usoo celin lahaayeen sumcadii ururkii qoomiyada matalayay ee TPLF, isagoo xusay in aan dhakhso lagu soo celin karin sumcadii ururka TPLF.

Seyoum Mesfin oo ahaa shakhsi siwayn looga yaqaanay guud ahaan wadanka Itoobiya isla markaana ahaa gacantii midig ee kooxda TPLF waxna kasoo aas’aasay ayaa khudbad calaacal iyo waano isugu jiray ujeediyay dadkii kasoo qaybgalay shirkii kooxda ee kusoo dhamaaday magaalada Maqale.

Rugcadaagan mudada dheer kusoo jiray siyaasada gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay in dhibaatooyinka haysta kooxda TPLF, ay adagtahay in si dhib yar loo xaliyo, wuxuuna kutalo bixiyay in dad daacad ah hogaanka loodhiibo.

Khudbada Siyun Masfin oo af Tigree kubaxaysay ayay dadbadani kufasireen in rajada Tigreegu ay gaadhay meeshii ugu hoosayay. Hoos Kadaawo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay