Wararka naga soo gaadhaya magaalada Marsa ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya rabshado gacan kahadal ah oo hadheeyay magaalada Marsa oo ay dad kudhinteen hanti badana ay ku baabaday.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoonkii todobaadkan kabilowday dhowr magaalo oo ay magaalada Marso kujirto ayaa gaadhay meel halis ah, waxaana dad waynaha iyo ciidamada wayaanaha dhex maraya dagaalo fool kafool ah oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay maalin nimadii shalay fooda isdareen kacdoon wadayaal cadhaysan iyo ciidamada gumaysiga, waxaana lasheegayaa in ay kacdoon wadayaashu dileen gudoomiyihii magaalada Marsa iyo dhowr ilaaladiisa kamid ah isla markaana ay dhaawaceen qaar kale oo ciidanka wayaanaha ah.

Sidoo kale ciidamada gumaysiga ee magaalada Marsa ayaa lasheegayaa in ay dileen ugu yaraan 13 qof oo shacab ah kuwaas oo ay haleeshay rasaas nool ay ay ciidanka wayaanuhu u adeegsanayeen dadka kacdoon wadayaasha ah.

Isusocodka guud ahaan Gobolka Axmaarada ayaa lasheegayaa in uu istaagay iyadoo ay siixoogaysanayaan rabshadaha kasocda magaalooyinka Marsa, Qobo, Waldia, Hara iyo guud ahaan woqooyiga Gobolka Wallo.

Dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaa lasheegayaa in ay sare uqaadeen tabahooda dagaalka iyagoo xidhiidh dhawna layeeshay jabhadaha hubaysan ee taliska wayaanaha ku kacsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay