Maraykanka ayaa qaadey qayb ka mid ah sharciga mamnuucidda soogalootiga ee dhaqangalay  bishii 10aad ee sanadkii hore 2017. Xayiraaddan ayaa ku saabsanayd muwaadiniinta ka timid kow iyo toban dal.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka, qaxootiga ka socda kow iyo toban dal oo ku yaala liiska waxaa lagu soo bandhigi doonaa baadhitaan adag oo ka horeysa, waxayna Maraykanka imaan karaan baadhitaan adag kadib.

Sida laga soo xigtay Haweeneyda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maraykanka Nielsen, shuruudaha soogalootiga ah ayaa adkayn doona dadka aan loo baahnayn in ay isku dayaan in ay ka faa’iidaystaan barnaamijka qaxootiga ee Maraykanka.

Dalalka xayiraada laga qaaday ee la adkeynayo baadhitaanka dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Maali, Kuuriyada Waqooyi, Suudaanta Koonfureed, Sudan, Yeman iyo Siriya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay