Warbixin sanadeed ay soosaartay hay’ada caalamiga ah ee Fund For Peace (FFP)  ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya uu yahay wadan burburay ama kamid ah wadamada burburidoona dhawaan, hadii sida ay hay’adu sheegtay aan wax laga qabanin.

Warbixintan oo aad udheerayd isla markaana ahayd warbixintii sanadkii ina dhaafay ee 2017 ayay hay’adu kaga warbixisay wadamada aduunka iyadoo xustay heerarka ay wadamadu kala taagan yihiin iyo sida ay ugu kala horeeyaan dhinacyada hormarka iyo amaanka.

FFP oo ah hay’ad khabiir ku ah arimaha maamul wanaaga iyo xasaradaha aduunka ayaa warbixinteeda kusheegtay in wadanka Itoobiya uu marayo xaalad adag oo burbur ah, waxayna hay’adu sheegtay in shacabka ree Itoobiya ay aad udhibaataysan yihiin.

Hay’ada ayaa sooqaaday arimaha amaanka ee wadanka gumaysiga Itoobiya, waxayna hay’adu Itoobiya ka hoos marisay wadamada burburay mar hore kuwaas oo aan lahayn wax maamul iyo kala dambayn ah toona.

Sidoo kale FFP ayaa sheegtay in shacabka Itoobiya kudhaqan ay lakulmaan gabood falo badan, waxayna hay’adu sheegtay in ay xidhan yihiin kumanaan qof halka jidh dilkuna uu yahay mid aan laqiyaasi karin.

Dhawaan ayay ahayd markii hay’ada Foreign Policy ay soo saartay warbixin tan FFP lamid ah iyadoo xaalada Itoobiya ku tilmaantay mid adag oo aan in dhaha laga qabsan karin, waxayna hay’adu dunida ka codsatay in labadbaadiyo shacabka ree Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay