Fadhi uu yeeshay baarlamaanka wadanka Maraykanka ayaa lagaga hadlay xaalada murugsan ee Itoobiya iyagoo baarlamaanku ay qiimeeyeen xaaladaha jira iyo waajibaadka saaran dowlada Maraykanka iyo guud ahaan caalamka.

Xubnaha baarlamaanka ee fadhigooda xaalada Itoobiya kaga hadlay ayaa soosaaray hadal ay xukuumada Itoobiya kaga dalbadeen in ay ogolaadaan in baadhitaan lagu sameeyo tacadiyada iyo gabood falada lasheegay in ay kajiraan wadanka Itoobiya, iyo in lasoo baadho heerka macaluusha Itoobiya.

Xubnaha baarlamaanka ee wadanka Maraykanka ayaa sheegay in wafti xaqiiqo raadin ah oo Qaramada Midoobay kasocda loo ogolaado in ay tagaan wadanka Itoobiya, iyagoo si madax banaan usoo baadhi doona waxa kajira gudaha wadanka laga dayrinayo ee Itoobiya.

Dowlada Maraykanka ayaa horaan usheegtay in wadanka Itoobiya aan laga tixgalinin xuquuqda aadamaha isla markaana lagu tunto sharciga wadanka, waxayna dowlada Maraykanku dhowr jeer digniin kabixisay dhaqanka qalafsan ee ciidanka wayaanuhu uu kuhayo shacabka.

Sidoo kale Qaramada Midoobay QM ayaa dhowr jeer kahadlay xaaladaha murugsan ee Itoobiya, waxayna kubaaqeen in wafti xaqiiqo raadin ah loodiro wadanka Itoobiya, halkaas oo ay ka imanayaan cabashooyin isdaba joog ah.

Hase yeeshee taliska wayaanaha oo aan tixgalinin shuruucda iyo dhaqanka dowliga ah ayaa diiday codsiga Qaramada Midoobay ee ah in wafti madax banaan loodiro wadanka, mana cada in uu talisku ogolaan doono codsiga kasoo yeedhay baarlamaanka Maraykanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay