Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya kacdoono waawayn oo mar kale dib uga qarxay inta badan Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoono shacab oo waawayn ayaa mar qudh ah ka bilowday Gobolka Gonder iyo woqooyiga Gobolka Wallo, sidoo kale kacdoonada ayaa gilgilay qaybo kale oo woqooyiga Gobolka Axmaarada kamid ah.

Mudaharaadayaasha oo markii hore kadhaqaaqay jaamacada magaalada Gonder ayaa kufiday guud ahaan magaalada, waxayna xidheen wadooyinka waawayn ee magaalada soogala ama kabaxa, sidoo kale waxaa xidhan goobaha dadwaynaha muhiimka u ah sida Iskuulada iyo Caafimaadka.

Goob jooge kusugan Gobolka Axmaarada ayaa warbaahinta usheegay in guud ahaan isusocodkii Gobolku uu xaniban yahay, iyadoo dadwaynuhu ay kusii siqiyaan xarumaha taliska wayaanaha.

Dhinaca kale ciidamo aad ubadan oo kuwa wayaanaha ah ayaa Gobolka lagu daabulay, waxaana la arkayaa iyagoo isku dayaya in ay joojiyaan kacdoonka shacabka, balse u taag la.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay