Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya gaar ahaana Xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka geesiyaasha ee jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) iyo Ciidanka Saama laluudka ah ee gumaysiga Itoobiya uu dagaal ku dhex maray tuulada Xaabawayne oo wax yar u jirta dagmada Gunagado ee gobolka Jarar.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa dharbaaxo xoog badan ku dhacday ciidanka Woyaanaha waxaana halkaas lagaga dilay 11 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro intaas ka ka badan.

Dhaawaca iyo bakhtiga ciidanka wayaanaha ayaa waxaa loosoo qaaday dagmada guna gado waxaana la keenay magaalada hada.

Ciidanka JWXO ayaa waxay mudooyinkii ugu danbeeyay ka wadeen dhaq dhaqaaqyo xoogan guud ahaanba gayiga Ogaadeniya waxayna cashiro lama ilaawaan u dhigi doonaan ciidanka Woyaanaha iyo maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ee uu wakhtiga ku dheeraysto.

Hadaba waxaan dib idiinkasoo gudbin doonaa warka oo faah faahsan kala soco ONA.

ONA/Ogadeniya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay