Sida Wakaalada Wararka Ogadenya Warkani kuheshay waxaa Maanta kulan muhiima isugu yimid Ururka Haweenka Ogadenya faraciisa Barsan ee Magaalada Gaarisa, Shirkan oo ugu horaynba lagu furay Wacdi diini ah, ayaa waxaa Ajendihii Kulanka sii Gudagashay Hogaanka Dhaqalaaha & Arimaha Haweenka Faraca Barsan Marwo Aamino Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbidhagax)

Halganto Aamino ayaa Carabka ku adkaysay Shaqada Ururka Haweenka iyo doorka ay Halganka ku leeyihiin, ayadoo tilmaantay in Haweenku ay yihiin Laf-dhabarta Bulshada islamarkaana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalaan Waajibaadka Shaqo ee looga fadhiyo.

Waxaa sidoo kale Kulanka Qudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gudoomiyaha Faraca Barsan Naftiihure Sh. Axmednuur Cabdinaasir oo kudheeraaday Marxaladihii uu Halganku soo maray & Halka uu maanta marayo, wuxuuna Gudoomiyuhu taas Cagsigeeda kunuux nuuxsaday Gumaysiga Itoobiya inuu meel khatar ah oo uusan dib uga soo Waaqsan doonin marayo islamarkaana Maanta lagu Tilmaami karo Dowlad Burburtay, waxaana lagama maarmaan ah buu yidhi inaan udhamayno ama isdabaraacino Wayaanaha doolka kuyimid Ogadenya.

Waxaa kale oo uu Guoomiyuhu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Bulshada Qaybaheeda kala duwani u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda mudada badan uu xooga kuhaystay Gumaysiga Gabalkiisu sii dhacayo ee Itoobiya, Mudane Axmednuur oo Hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu Hooyooyinkii Kulanka soo xaadiray faray inay Caruurta baraan Taariikhda Dhulkooda si loo helo Jiil cusub oo Halganka Ogadenya sii wada ama ucarbisan Qadiyada.

Sikastaba ha ahaatee waxaa Gabo gabadii Shirka Aragtidooda Cabiray Qaar kamida Dumarkii Kulanka fadhiyay waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in la sii Laban laabo Dadaalka Halgan ee loogu jiro Xoraynta Gayiga Soomaaliyeed ee Ogadenya, waxaa kale oo ay sheegeen in Gumaysigu xiligan kala dhaqaaq taagan yahay, loona baahan yahay in loo wada istaago Hanashada Dalka, Diinta & Dadka Ogadenya ee uu daashaday Gumaysiga wayaanuhu. Iskusoo wadaduuboo wuxuu Shirku kusoo dhamaaday
Guul Taariikhi ah.

ONA/Garissa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay