Waraysi ay bixisay gabadha uu dhalay siyaasiga u dhashay qoomiyada Oromada ee mudada dheer xidhan Bekele Gerba, ayay kusheegtay in xaalada caafimaad ee aabaheed ay aad uliidato iyadoo sheegtay in uu baryahan kasii daray.

Gabadhan oo lagu waraystay laanta afka Axmaariga ee ideecada VOA, ayaa sheegtay in aabaheed uu qabay dhiigkar isla markaana ay jiraan cuduro kale oo intii uu xidhnaa kudhacay, kuwaas oo sida ay sheegtay uu aad ula il daran yahay.

“Aabahay waxaa laga qabtay isha bidix wax isbitaal ahna waa loodiiyay” yay tidhi gabadha uu dhalay Bekele Gerba oo lahadlaysay laanta afka Axmaariga ee ideecada VOA da, sidoo kale gabadha ayaa sheegtay in qarabadiisa loodiiday in ay dawo ugeeyaan.

Dhinaca kale maxkamad kusheeg kutaala wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa amartay in Bekele Gerba lageeyo Isbitaal si loodaweeyo, hase yeeshee waxaa go’aankaas ku gacan saydhay askarta xabsiyada Ilaalisa, kuwaas oo sheegay in uusan xaq ulahayn wax dawayn iyo latacaalid ah toona.

Dhowr bilood kahor ayay ahayd markii maxkamad kale ay xukuntay in lasiidaayo Bekele Gerba, go’aankaas oo ay qaadhaceen ciidanka sirdoonka wayaanaha oo ah qolada uu u xidhan yahay siyaasigan u dhashay qoomiyada Oromada.

Arintan ayaa muujinaysa kala qayb sanaanta wayaanaha, waxaana markasta la arkaa go’aan ay qolo soojeediso oo ay qolo kale diido, iyagoo kuxumaynaya kuwii go’aanka soosaaray.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay