Warbixin ay soo saartay hay’ada Qaramada Midoobay uqaabilsan xuquuqda aadamaha ayaa si aad ah loogu dhaleeceeyay xukuumada wayaanaha iyo ciidamadeeda dhaqanka xun ee dadcunka ah.

Warbixintan oo ay hay’adu sanadkiiba mar soosaarto ayaa sanadkan diirada lagu saaray gabood falada kajira wadanka gumaysiga Itoobiya, waxayna warbixintu xustay tacadiyo kala duwan oo Itoobiya kajira.

Warbixinta ayaa lagu xusay in guud ahaan wadanka Itoobiya uu kajiro qalalaase siyaasadeed kaas oo kalifay in xukuumada wayaanuhu ay kala wadi waydo howlihii wadanka, iyo musuq maasuqu uu gaadhay meel aan laqiyaasi karin.

Warbixinta hay’ada ayaa lagu xusay in wadanka Itoobiya uu kujiro hoos udhicii uu bilaabay sanadkii 2005 tii, kaas oo wadanka ay kadhacayday doorasho lagu murmay oo EPRDF ay kushubatay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in xabsiyada Itoobiya ay kujiraan kumanaan qof oo shacab ah kuwaas oo maxkamad la’aan xabsiyada ku xidhan mudo dheer, waxayna hay’adu sheegtay in uu dilka shacabku gaadhay heerkii ugu horaysay.

Hay’ada Qaramada Midoobay uqaabilsan xaquuqul insaanka ayaa ugu dambaystii taliska wayaanaha ka codsatay in uu qabto shirwayne lagu xalinayo dhibaatooyinka jira isla markaana wadanka lagu dajinayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay