Laba diyaaradood oo ah kuwa ciidamada ayaa ku burburay Koonfurta Fraansiiska halkaasi oo uu khasaaro ka dhashay.

Shilkani diyaaradeed ayaa waxaa ku dhintay 5 qof sida warbaahinta faransiiska ay sheegeen. Burburka diyaaradahani ah nooca Helikobtarka ayaa ka dhacay harada Carcès. Kooxaha gurmadka ayaa imika baadigoobaya 6 qof oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay. Ma cadda ilaa iyo imik waxa dhaliyay burburka diyaaradahani.

Labada Helikobtar ayaa waxa iska leh iskuul militari oo lagu barto sida diyaaradaha loo duuliyo oo lagu magacaabo Ealat, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen. Iskuulkani ayaa waxa duuliyanimada lagu baraa duuliyayaasha militariga iyo kuwa ciidamada kale ee dalka Faransiiska.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay