Ugu yaraan 11 askeri ayaa lagu diley weerar ismiidamin ah meel ku dhaw saldhig militari oo ku yaala Waqooyi Galbeed dalka Pakistan. Halka weerarku ka dhacay ayaa ku dhaw goobo ay ka talin jireen kooxda Talibaanka Pakistan.

Askarta la diley ayaa ciyaarayey markii weerarku dhacay ciyaarta loo yaqaan Kubadda Laliska ama Volleyball, waxaana ay ku ciyaarayeen garoon ku yaala banaanka xerada ciidanka. Weerarka waxaa ku dhaawacmey 13 askeri oo kale.

Halka weerarku ka dhacay ee Swat waxaa maamuli jirey Talibaanka mudadadii u dhexeysey 2007-2009. Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Talibaan ee ka dagaalaba dalalka Afqaanistaan iyo Waqooyiga Pakistaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay