Waxa Maanta 11 Duhurnimo ka hor bilwoday banaanbax aad u xoog badan oo dad gaadhaya 500 oo qof ay isasoo hortubeen dibad bax looga soo horjeedo tacadiyada uu gumaysiga ku hayo shacabka S.Ogadenya ee dhiigyacabka uga ah horjoogaha  Cabdi UBO uu ku yimid yimid safarka magaalada london. Dadkan oo aad u xanaaqsan cadho badana ka muuqato ayaa shucuurtooda ku muujiyay qeylo iyo sawaxan aad u koreeya iyaga oo ku dhawaaqaya dhiigyacab Cabdi ubo, Xasuuqi Gunagado Xisaab Baa ka danbeyn iyo eedo kale oo ay usoo jeedinayaan danbiilaha ka geystay xasuuqa dhulka Somalida Ogadeniya mudadi 5 sanno aheyd ee uu horjooga ka ahaa dhulka somalida Ogadeniya isaga oo fulinaya danaha gumeysiga ee Tigreega.

Wararkan oo dhameys tiran waxa aad heli doontaan dhowaan. Waxaana wali socda Mudaharaadkii oo saacadahan danbe dadku aad usoo badanayaan. Waxaa xusid mudan in Roob aad u xoog badan ka da’ayo meesha mudaharaadku ka socdo dadkuna ay wali soo badanayaan. oo Magaaloyin fog fog ay kakala yimadeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay