Waxaa xalay ka dhacday magaalada Nirobi ee dalka Kenya shaqaaqo iyo gacan ka hadal dhex maray dhex martay dhalinyaro ka cadhaysnaa dhiibitaankii Sargaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidankii xooga dalka soomaaliyeed haatana kamid ahaa saraakiisha sar sare ee jabhada ONLF oo dawlada soomaaliya horay ugu wareejisay gumaysiga Itoobiya si aan waafaq sanayn dastuurka qaranka soomaaliya shuruucda caalamiga ah iyo dhaqan suuban ee islaamka iyo soomaalida.

Hadaba xuska xaflad lagu taageerayay Madaxwaynaha soomaaliya Mohamed Abdulaahi Farmaajo oo ku aadanayd habeenkii la doortay ayaa waxaa goobta yimaaday dhalinyaro ka cadhays nayd dhiibitaankii Abdikariim sheekh Muuse qalbi dhagax kadib waxaa halkaas ka dhacay shaqaaqo buuq iyo gacan ka hadal waxaana meeshaas ku baaq day xafladii loogu dabaal dagaayay Mohamed Abdulaahi farmaajo oo ah shaqsiga ay aamin sanayeen dhalin yaradaasi inuu masuul ka yahay dhiibitaankii Abdilariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Hoos ka daawo warbixinta oo Faah faahsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay