Dowlada Suuriya ayaa cambaareysay duqeyn habeenkii khamiista ahayd diyaaradaha Maraykanku la beegsadeen goobaha ay fadhiyaan ciidamadooda ee gobalka Deir Az Zor.

Gobalka Deir Az Zor oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish ayaa hada u kala qeybsan labo qeybood, qeyb ay gacanta ku hayaan ciidamada mucaaridka ee gacanta ka helaya Maraykanka iyo ciidamada Bashar Al Assad oo ay wehliyaan kuwa Ruushka.

Dowlada Maraykanka oo xaqiijisay inay duqeynta geysatay ayaa ku dooday in weerar lagu soo qaaday ciidamada ay taageeraan isla markaana ay jawaab ka bixiyeen weerarkaasi. Maraykanka ayaa madaafiic iyo diyaarado ku duqeeyey saldhigyada ciidamada Dowlada Siiriya. Xukuumada Bashar Al Assad ayaa weerarkan ku tilmaamtay xasuuq isla markaana ugu baaqday Qaramada Midoobay inay baadhitaan ku sameyso falkan uu Maraykanka ku kacay.

Dhinaca kale Ruushka oo gacan siinaya ciidamada Dowlada Suuriya ayaa ku sheegay warsaxaafadeed in ay u muuqato in Maraykanka dhaq dhaqaaqa uu ka wado Suuriya aysan ahayn mid lagula dagaalamayo Daacish balse uu Maraykanka doonayo inuu qabsado dhulka batroolka ku jiro ee wadankaasi, gobalka Deir Az Zor ayaa ah gobal qani ku ah shidaalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay