Militariga dalka Masar oo ay ku jiraan cutubyada ciidanka Lugta, kuwa cirka, badda, iyo booliska ayaa billaabay howl-gallo baahsan oo dalkaasi oo dhan ah oo ay kula dagaalamayaan ururada argagixisada Jimcihii lasoo dhaafay.

Ciidamadan ayaa xoogga saaray gobolka dhinaca waqooyi ku yaala ee Siinaay, dhulka ku teedsan halka ay biyaha wabiga Nile kaga darsoomaan badda Midheteereeniyanka iyo dhulka ku dhow xuduudda Libya.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dagaalo kala duwan ay ku dhexmarayeen ciidanka dalka Masar iyo kooxo hubaysan oo kasoo horjeeda taliska wadanka Masar. Hawgalkan ayaa la filayaa in lagu soo afjari doono kooxahan oo aad ugu xoog badan Gobolka Siinay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay