Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Suuriya.

Mr Guterres ayaa sheegay in si dhaw uu ula socdo xiisdda militari ee sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

Militariga Israa’iil ayaa waxay ku tilmaameen duqaymihii ay ka fuliyeen gudaha Suuriya in ay ahaayeen duqaymihii ugu waynaa oo noocooda ah ee mudo 30 sano ah ay fuliyaan.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in duqaymaha inta badan lala bartilmaameedsaday goobo u dhaw caasimada Dimishiq.

Mr Conricus ayaa sheegay in bartilmaameed koodu uu ahaa oo kali ah saldhigyo militari.

Raisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ku eedeeyay Iran in ay ku soo xadgudubtay hawada Israa’iil.

Mr Netanyahu ayaa xusay in Iran iyada oo isticmaalaysa dhulka Suuriya ay weerar ku soo qaadayso Israa’iil.

Weerarada militariga Israa’iil ay ka fuliyeen gudaha Suuriya ayaa ka dambeeyay ka dib markii diyaarad militari oo ay Israa’iil leedahay la soo riday.

Diyaaradan Israa’iil ayaa ku burburtay gudaha Israa’iil ka dib markii lidka diyaaradaha ay la beegsadeen militariga Suuriya.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin xiisadda sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.