Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in guud ahaan wadanka uu maanta oo Isniin ah ka hirgali doono mudaharaad shaqo iyo socod joojin ah oo ay dadwaynuhu guryahooda iyo goobaha ay kunool yihiin ku ekaan doonaan.

Sida xogta aan kuhelayno hadal ay siwada jir ah usoosaareen dhalinta Kacdoonada Oromia hogaaminaysa ee QEEROO iyo waliba dhalinta kacdoonada Gobolka Axmaarada Kawada ee FANA ayaa lagu sheegay in ay dadwaynuhu maanta laga bilaabo ku ekaan doonaan guryahooda.

FANA iyo QEEROO oo ah laba urur dhalinyaro oo aad dadwaynuhu ay uga dambeeyaan ayaa kuheshiiyay in ay siwada jir ah umideeyaan muruqooda iyo maskaxdooda, waxayna xal u arkeen in labada shacab ay mideeyaan waa Oromada iyo Axmaarada e. Waxaana lasheegayaa in ay samaysteen gole ay kuwada jiraan oo amaradu ay kasoo baxaan.

Sidoo kale dhalinta FANA & Qeeroo Ayaa sheegay in dhamaan qaybaha kale ee wadanka looga baahan yahay in laga hirgaliyo kacdoono noocan oo kale ah si looga adkaado taliska macangaga ah ee xasuuqa kawada guud ahaan wadanka, waxayna dhalintu kubaaqeen in loomidoobo ladagaalanka cadaalad darada.

Hadalka kasoo baxay dhalinta hogaamisa kacdoonada ayaa dadwaynaha lagu faray in ay joojiyaan dhamaan ganacsigii wadanka gaar ahaa Gobolada Axmaarada iyo Oromada iyo laxareeyaa dhamaan gaadiidka dadwaynaha si loo ciqaabo taliska wayaanaha iyo ciidamadiisa dulmiga kujooga wadanka.

Dhinaca kale taliska wayaanaha oo soojeedintan aad uga argagaxay ayaa jaray dhamaan khadkii Internet-ka gaar ahaan dhulka Axmaarada iyo Oromada, wuxuuna taliska wayaanuhu aaminsan yahay in Internet-ku uu yahay xooga ugu wayn ee ladagaalama xukuumada wayaanaha.

Iskusoo wada duub oo wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa noqday wadanka dunidan aan saaranahay ugu daganaansho xun marka laga eego dhinaca siyaasada, waxaana wadanka ka arimiya boqolaal garab oo qolaba waxa ay iyadu doonaysa sheegto, halka xukuumada wayaanaha na ay kusoo fatahay wabi qalalaase ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.