Wararka aan kahelayno magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu mar kale dib uqarxay khilaafkii dadka muslimiinta ah iyo taliska wayaanaha udhaxeeyay.

Sida aan xogta kuhelayno hogaamiye yaasha muslimiinta oo mudo kujiray xabsiyada gumaysiga ee magaalada Addis Ababa ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi uga yimid kooxda TPLF oo ahaa in ay qirtaan dambiyo waawayn oo ay kusoo oogeen.

Kooxda TPLF ayaa sida lasheegayo madaxda muslimiinta ku wargalisay in sixiixaan waraaq cadaynaysa in ay argagixiso ahaayeen isla markaana ay dowlada cafis waydiisanayaan, hase yeeshee waxaa arinkaas diiday oo gaashaanka kudhuftay hogaamiye yaasha muslimiinta ee xabsiga kujira.

Hogaamiye yaasha ayaa sheegay in ay dulmanayaal yihiin isla markaana ay mudan yihiin in magdhaw lasiiyo, waxayna hogaamiye yaashu sheegeen in aysan qaadan doonin dambi aysan lahayn.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in aan culimada muslimka ee xabsiyada kujira lagu soo dari doonin dadka badan ee kooxda TPLF tu ay sheegtay in ay xabsiyada kasiidayn doonaan kuwaas oo shuruudo ay wayaanuhu keeneen oo ay kuxidheen siidaynta dadka maxaabiista ah buuxiyay.

Dhinaca kale siyaasiyiin sarsare oo kooxda TPLF uxidhxidhnaa ayaa sixiixay waraaqda dambiga ay kuqiranayaan kuwaas oo lafilayo in ay kujiraan dadka lasiidayn doono.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay