Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu meelo badan oo wadanka ah ka hirgalay mudaharaadkii socod iyo shaqo joojinta ahaa ee hogaanka kacdoon wadayaashu uu kudhawaaqay.

Sida xogta aan kuhelayno shacabka kudhaqan qaybo badan oo dhulka Oromada iyo Axmaarada ah ayaa sifiican uga jawaabay codsigii dhalinta QEEROO iyo FANA ee ahaa in ay dadwaynuhu ku ekaadaan guryahooda ilaa iyo maalinta arbacada ah, waxaana maalintii shalay hir galay wax badan oo codsigii dhalinta ah.

Mudaharaadka shaqo iyo socod joojinta ah ayaa lasheegayaa in uu sifiican uga hirgalay agaalooyin badan oo ay kamid yihiin Ambo, Jima, Baliroba, Walaga iyo magaalooyin kale oo aad ubadan oo kuyaala dhulka Axmaarada iyo Oromada.

Warkan ayaa lagu soodaabacay warbaahinta afka wayaanaha kuhadasha ee EBC, waxaana warbaahinta wayaanaha lagu cadeeyay in dadwaynaha kudhaqan Oromia iyo Ahmara ay joojiyeen isusocodkii dadka iyo gaadiidka iyagoo kajawaabaya codsigii dhalinta Qeeroo iyo FANA.

Dhinaca kale shacabka kudhaqan magaalooyinka uu mudaharaadku ka hirgalay ayaa burburiyay baabuur dhowr ah oo kadhaga adaygay codsiga hogaanka kacdoon wadayaasha, waxaana lasheegayaa in wadooyinka magaalooyinkaas lagu arkayo baabuur lagu burburiyay.

Iskusoo wada duub oo waxaa maalmaha soosocda lafilayaa in ay dhamaan Gobolada iyo Dagmooyinka ka hirgalaan mudaharadada ay codsadeen dhalinta kacdoon wadayaasha ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay